Cabdiraxmaan Faroole oo markale loo doortay Senator Aqalka Sare

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa markale loo doortay mid ka mid ah kuraasta golaha aqalka sare ee ka imaanaya Dowlad goboleedka Puntland.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa helay 54 cod,halka Maxamed Cismaan Colaad oo la tartamay uu helay 11 Cod; Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014.

Doorashada Aqalka Sare oo weli ka socota magaalada Garowe ayaa waxaa sidoo kale ku guuleystey afar musharax kadib markii musharaxiintii la tartamaysay ay sheegeen inay u tanaasuleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More