Cabdisaciid Muuse “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan

April 22 (Jowhar.com) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse ayaa ka hadlay weerar xalay ka dhacay waqooyiga magaajada Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland, iyadoo weerarkaas uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeedka loo socday ay eheyd sidii nolosha loo dhaafin lahaa, isagoo tilmaamay in qorshaha duulaankan laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada Puntland walow ay fashiliyeen ciidamadiisa sida uu hadalka u dhigay.

“Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh” ayuu ku yiri wasiirka qoraal uu soo saaray

Dadka weerarka ku dhaawacmay waxaa kamid ah taliye ku xigenkii qeybta booliska Gobalka Mudug dhanka Puntland Cabdisiciid Xuseen Jamac oo wasiirka la socday xiliga weerarka iyo nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ahaa qofka kulanka afurka ah u sameynayay wasiirka, iyadoo xiisad arintaasi salka ku heysa ay maanta ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa iyada ku doodeyso in wasiirka uu gobolka Mudug ka waday qorsheyaal ka dhan ah maamulkooda, iyadoo guddiga amniga gobolka sheegeen inaan la qaban karin shir aiyaasadeed aysan ka warqabin, taasoo loo badinayo iney tahay sababta duulaanka loo qaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More