Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo markale loo doortay Aqalka Sare

Waxaa goor dhow soo dhamaatay doorashada kursiga labaad ee Aqalka Sare ee maanta ka dhacaysay magaalada Kismaayo.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa mar kale loo doortay Senatarnimada Aqalka Sare, isagoo ku guuleystay 71 cod, iyadoo Musharaxii la tartamayay uu tanaasulay.
Waa Sanatarkii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad oo maanta lagu doortay Kismaayo.

Waxaa sidoo kale hore loo doortay Ilyaas Badal Gaboose oo noqday xildhibaankii ugu horeeyey ee loo doortay aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More