Cabsi laga qabo dhul gariir xooggan oo waqti dhow ka dhici kara Istanbul
Feb. 12 (Jowhar.com-Khubarrada saadaaliya dhul gariirrada ayaa soo saaray digniin xoog leh oo ku saabsan dhul gariir waqti dhow ka dhici kara Istanbul.
Dadka magaalada daggan ayaa digniintan walaac ku abuurtay xilli wali lala tacaalacayo dhulgariirkii todobaadkii hore oo ay dhimashadu hadda mareyso 28,000 oo qof.
Shaqaalaha gurmadka oo wada howl-samatabixin ah ayaa qaarkood soo badbaadiyay dad ku hoos jiray burburka.
Sidoo kale, shan qof oo Soomaali ah oo ku dhintay dhul-gariirka ayaa shalay la aasay, iyadoo 4 hablood oo Soomaali ahna ay ka mid yihiin dadka wali la la’ yahay.
Burburka ugu weyn ayaa ka dhacay xarunta dhul-gariirka oo ah inta u dhaxeysa gobolka Kahramanmaras iyo Gaziantep, oo ah magaalo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.
Dhul-gariirkii koowaad oo aad u xoog badnaa ayaa laga dareemay illaa Greenland, waxaana xigay kuwo yar yar oo uu ku jiro mid cabirkiisu aha 7.5, kaasi oo ku dhuftay xilli ay kooxaha gurmadka ku jireen baadigoobka dadka ku waxyeeloobay dhul-gariirkii koowaad.
Inta badan aagga uu dhul-gariirka kaga dhuftay waqooyiga Syria ayaa waxaa markii horeba burburiyey sanado dagaal ah iyo duqeymo ay gaysteen ciidamada Syria iyo Ruushka, kuwaas oo burburiyey guryo, isbitaallo iyo xarumo cafimaad