Cabsi laga qabo fashil ku yimaada natiijada kulamadii Trump iyo Putin

0
66

Aug 20 (Jowhar) Aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka ayaa hoos u dhigay hadal heynta ku saabsan kulan la filyaya in ay wada yeeshaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo kan Ukrayn olodymyr Zelensky.

Kulanka la saadaalinayay ayaa daba socday iyadoo Donald Trump uu mar kale ku dhawaaqay sida uu u rabo in labada hoggaamiye ay kulmaan si ay uga wada hadlaan joojinta dagaalka Ukrayn.

Arrintan ayaa daba socota kulan laba geesood ah oo madaxweynaha Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray Alaska todobaadkii la soo dhaafay. Waxaana ku xigtay in Aqalka Cad lagu qaabilay todoba hogaamiye oo Yurub ah iyo Zelensky Isniintii.

Trump waxa uu qiray in kulanku uu ahaa “mid adag” waxa kale oo uu sheegay in ay suurtagal tahay in madaxweynaha Ruushka aanu danaynayn joojinta colaadda.

“Waxaan ogaan doonaa warka Putin labada toddobaad ee soo socda,” ayuu yidhi Talaadadii. “Waa suurtagal in aanu dooneyn in uu heshiis qaato.”