Cabsi laga qabo in Soomaaliya ay ka dilaacdo macluul gallaafata boqollaal kun oo qof

June 08 (Jowhar.com)-Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Soomaaliya si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Soomaaliya ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xiriiriyaha hawalaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiimaynta ay sameeyeen ay muujinayso in illaa 850,000 oo qof in ay guryahooda ka barakaceen, si ay noloshooda iyo xoolahooda ugu raadsadaan waxay cunaan ama cabbaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in illaa 8 deegaan oo Soomaaliya ka mid ah, inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaas oo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in xilliga uu warbaahinta la hadlayey in illaa 7.1 million oo qof oo Soomaali ahi inay abaaruhu saameeyeen, tiradaas oo ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya. Halka 213,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalad gaajo iyo macaluuleed, taasoo muujinaysa in tiradaasi 160% ay kor u kacday tan iyo bishii April ee sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ahi inay yihiin kuwa ay abaaruhu sida ugu daran u saameeyeen. Illaa 1.5 milion oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sano ayaa waajahaya xaalad nafaqo darro.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in tan iyo bartamihii sannadkii 2021 in xoolo gaaraya illaa 3 million oo neef inay u dhinteen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelanaysaa noloshii dadka reer baadiyaha ahaa, iyo weliba hoos u dhac ku yimaadda waxsoosaarkii hilibka iyo caanaha xoolaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More