Cabsidii ugu darneyd oo laga qabo in abaarta ka jirta Soomaaliya ay isu bedesho macaluul baahsan.

August 11 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in tirada dadka ku barakacay abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya inay haatan kor u dhaafeen illaa hal milyan oo qof. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in abaaraha ka jira Soomaaliya inay haatan isu bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Xafiiska isku-xirka gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UN OCHA ayaa sheegay in bishii July oo keliya, in illaa 83,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen abaaraha jira dartood, waxaana meelaha ugu daran ku jira gobollada Baay, Banaadir iyo Gedo.

Ishaku Mshelia, oo ah ku xigeenka isuduwaha xaaladaha degdegga ah ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha, ee loo soo gaabiyo FAO ayaa VOA-da ugu sheegay khadka taleefoonka Arbacadii in dadka ku barakacay abaaruhu ay safar dheer ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cunto, biyo iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin, isagoo sheegay in FAO ay isku dayayso inay caawiso.

FAO xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay inay u baahan yihiin illaa $130 milyan oo dollar si ay si buuxda ugu fuliso qorshaheeda ka hortagga macaluusha, kaas oo loogu talo galay inuu caawiyo illaa hal milyan oo qof oo ku nool dhulka baadiyaha ah.

Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in illaa 500 oo caruur ahi inay u dhinteen nafaqo-darro ka dhalatay abaaraha daran ee jira.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in in ka badan 50 carruur ah ay u dhinteen cudurro looga shakisan yahay inay abaaruhu keeneen. Dhimashadan ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Baardheere iyo Baladxaawo oo xuduud la leh dalka Kenya

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More