Cabudwaaq: toogasho ka dhacday xaflad aroos oo Dhimasho iyo dhaawac sababtay.

August 08 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taala deegaanka Qoolaali ee duleedka Waqooyi Bari degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka la helayo ayaa intaasi ku sii daraya in hal ruux uu weerarkan ku geeriyooday, halka saddex kale oo qaarkood xaaladooda ay halis tahay ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo xaaladooda lagula tacaalayo isbitaalka weyn ee magaalada.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa inoo sheegay in ninka falkan geystay oo goobta ka baxsaday weerarkan kadib uu ka carooday xifaaltan ka dhashay hadalada la isku weydaarsanayay ciyaarta dhalinyarada ay ka sameynayeen xafladda arooska.

Ciidamada booliska iyo Nabad sugida magaalada ayaa wada howlgallo balaaran oo ay ku baadi goobayaan gacan ku dhiiglaha, iyagoo dadka shacabka ah ugu baaqay iney xogtooda la soo wadaagaan hadii ay arkaan.

Degmada Cabudwaaq ee dhacda Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee Galmudug, waxaana dhawaan degmadaasi lagu dilay taliye xigeenkii Nabad Sugida Galmudug iyo walaashiis, walow ninkii dilay fagaare lagu toogtay markii gacanta lagu soo dhigay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More