Cagjar oo sheegay iney Soomaali eheyn Shabaabkii ugu badnaa ee soo weeraray .

July 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa bixiyay wareysi ui ku faah faahiyay dagaaladii u danbeeyay ee kooxda Shabaab ku gashay gudaha dowlad deegaanka, isagoo soo hadal qaaday xogta ay bixiyeen dhaawacyada maxaabiista dagaalka lagu qabtay.

Wareysi uu siiyay VOA-da, laanteeda Amxaariga ayuu Madaxweynaha ku sheegay in ragga u dagaalamayey Al-Shabaab ay badi yihiin Itoobiyaan, kuwaas oo loo abaabulay inay qal-qal-galiyaan amniga dowlad deegaanka.

“Kooxdii soo gashay deegaanka Soomaalida waxay ahaayeen koox la magac baxday Mujaahidiinta Itoobiya, oo ay Al Shabaab usoo abaabushay inay qalqal-galiyaan amniga Itoobiya, kuwaas oo badankood Itoobiyaan ah,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweynuhu

Dhinaca kalena, Mustafe Cagjar ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay saldhigyo ka sameystaan qaybo ka mid ah deegaannada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan buuraha dhinaca Ceelkari iyo Baali iyo inay ka barbar dagaallamaan Jabhadaha ka howlgala gudaha Itoobiya.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in la soo afjaray howlgaladii u danbeeyay ee Shabaabku ka dhanka ahaa ee aagga Feerfeer, isagoo sheegay in wixii haatan ka danbeeya ay gudaha Soomaaliya ka difaaci doonaan Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More