Cali Balcad oo ka guddoomiya Danjiraha Cusub ee Kenya Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga

Feb 11 (Jowhar.com)-Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa u rajeeyay danjirha cusub inuu ku guuleysto xilka cusub ee loo igmaday.

Danjire Cyprian Iringo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iyo in uu dalkiisa ku matali doono Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More