Cali Balcad oo loo magacaabay U Qeybsanaha Arrimaha Bulshada Afrika

Jun 27(Jowhar.com)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xil cusub u magacaabay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Barre oo ku taariikheysan 25kii  bishan Juun ayaa Cali Balcad loogu Magacaabay u qeybsanaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika.

Wasiiru dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa mudadii uu ahaa kusimaha Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya waxa uu dadaal xoog leh u galay sidii dalka Soomaaliyeed uu ugu biiri lahaa Ururka Bulshada Bariga Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More