Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboledka Hirshabelle.

Cali Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay isagoo ka qeybgalay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay caasimada dalka ee Muqdisho.

Mudadii uu ku sugnaa caasimada dalka ayuu Madaxweynaha Hirshabelle la kulmay safiiro iyo madax kale oo Soomaaliyeed.

Dib ugu laabashada magaalada Jowhar ayay ku soo beegantay iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu horeysay ee afartanka maalmood ee loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka Soomaaliyeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More