Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga 3aad Baarlamaanka Hirshabelle

July 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta furay kalfadhiga 3aad Baarlamaanka 2aad ee Dowladda Hirshabeelle.
Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle,Wasiirro Salaadiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladaha guud ee amaanka, howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxaha argagixsada alshabaab, Arrimaha heshiisiinta oo maraya meel wanaagsan, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha, dhameystirka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Hirshabeelle iyo dhismaha golaha cusub ee wasiiradda Dowladda Hirshabeelle oo maalmaha soo socda la magacaabi doono.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka uga mahadceliyay gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah waxa uuna ka dalbaday inay xoojiyaan u shaqeynta bulshada iyo la xisaabtanka Xukuumadda.

Furitaanka Kalfadhigan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay soo foodsaartay shacabka Hirshabelle abaar sababta in qoysas badan ay ka barakacaan deegaanadooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More