Cali Guudlaawe oo ka hadlay Howlgalo ay Milatariga ka fuliyeen Hirshabelle

Aug. 14 (Jowhar.com)-  Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More