Cali Guudlaawe oo kulan la qaatay ciidamo ku sugan deegaanka Cali Fooldheere

Sep 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqday deegaanka Cali Fooldheere oo ka tirsan degmada Mahaday isagoo la kulmay Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle oo xiran tuutaha ciidamada ayaa u ballanqaaday ciidamada ku sugan halkaas inay heli doonaan ciidamo kaabo kuwaasoo isugu jira kuwa lugta ah iyo kuwa cirka ahba.

“Shacabka ku nool halkan ma oggolaanayaan in dad aysan afkooda aqoon oo aan la lahayn soohdin inuu gumeysto,waxaana aan u tacsiyeynayaa dhalinyaradii ku geeriyootay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay kala qeybqaataan sidii la isaga saari lahaa Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in lasii dardargelin doono baacsiga Khawaarijta Dowladuna ay ka go’an tahay ciribtirka cadowga, isagoo intaas raaciyay in adeegga muhiimka ah ee dowladda la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka laga xoreeyay Khawaarijta alshabaab.

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo ka soo gudbay wabiga Shabelle ayaa ku sugan meel keyn ah halkaas oo muddo toddobaad ah uu ka socdo dagaal dhulka ah iyo kuwo duqeyn ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More