Cali Guudlaawe oo la kulmay Ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador Anita Kiki Gbeho.

Madaxweynaha iyo Ambassador Anita Kiki Gbeho ayaa Kulankaaan uga hadlay dardargalinta Arrimaha Doorashooyinka, Amniga, Fatahaadaha, Caawinta dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo oo ay ku nool yihiin dadkii ay saameeyeen fatahaadaha kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ay saameyn weyn ku yeelatay fatahaado uu sameeyey wabiga Shabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More