Cali Guudlaawe oo la kulmay Senatarada Jowhar lagu soo doortey

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle kula kulmay Senatorada cusub ee Aqal Sare Baarlamaanka JFS ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Jowhar.

Kulankan oo ahaa mid lagu soo dhoweynayay Qaar kamid ah Senatarada cusub ee loo doortay Aqalka Sare waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed Gudoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo Marti sharaf kale.

Magaalada Jowhar ayaa lagu soo doortay dhawaan lix Senatar iyadoo ay harsan yihiin doorashada labo Senatar oo khilaaf uu ka taagan yahay qabashada doorashadooda.

Lixda Senatar ee lagu soo doortay magaalada Jowhar ayaa waxaa ay isugu jiraan Senataro hore uga tirsanaa Aqalka Sare iyo kuwo cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More