Cali Guudlaawe oo u aqoonsaday Deeganka Moqokori Degmo

Dec. 10 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa booqasho ku tegey magaalada Moqori waxana uu khudbad uu halkaas ka jeediyay uu ku tilmaamay deegaanka Moqokori degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo socdaal dhulka uga soo ambabaxay degmada Aadan yabaal ee gobolka Sh/dhexe ayaa soo maray deegaanada mubaax iyo ceel qooxle oo kamid ah deegaanadii dhowaan la xureeyay waxaana boqolaal dadweyne ah ay kusoo dhoweeyeen magaalada Muqakori ee Gobolka Hiiraan.

“Maanta wixii ka dambeeya moqokari waxa ay ka mid tahay degmooyinka Hirshabeelle waxana aan farayaa  Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle inuu si deg deg uu kusoo magacaabo maamulkeeda oo dhameystiran, sidoo kalana laga fuliyo mashaariicda ay xaqa u leedahay degmada.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.

Boqolaal ruux oo isku soo baxay soo dhaweynta Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa aad ugu sacbiyay markii uu ku dhawaaqay degmanimada Moqokori,waxaana garab taagnaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed oo hore ugu ballanqaaday dadka Moqokori in dhawaan laga dhigayo Moqokori degmo buuxda.

Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Aadan Yabaal ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladu ka sameeyeen deegaan ka mid ah Aadan Yabaal ay ku duleen ilaa 14 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More