Cali Guudlawe oo la kulmay Lix xildhibaan oo lagu doortay Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kula kulmay xarunta Madaxtooyada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee shalay lagu doortay Magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Xildhibaanada cusub ee la doortay, isagoo kula dardaarmay ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadan oo dhammaantood afartii sano hore ugu fadhiyay kuraasta golaha shacabka ayaa waxa ay ballanqaadeen inay ku dadaali doonaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More