Cali Jeyte oo ka hor-yimid xil ka qaadista, kuna dhawaaqay maamul gooni ah
Jun. 18 (Jowhar.com)-Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista uu xalay saqdii dhexe ku sameeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe.
Cali Jeyte oo goordhow shir jaraa’id ugu qabtay suxufiyiinta magaalada Beledweyn ayaa iska diiday inuu u hogaansamo xil ka qaadista, isagoo sheegay in Hirshabelle aaney awood u leheyn talaabada ay qaaday.
Cali Jeyte ayaa sheegay in wixii maanta ka bilowda Gobolka Hiiraan uu isaga baxay maamulka Hirshabeelle, dhinaca kale waxa uu ku baaqay shir weyne lagu dhisayo maamul uu ku magacaabay Hiiraan state.
Waxa uu yiri ” Hiiraan waxa la dhahaayo Hirshabelle ma aqoonsana”, isagoo ku dhawaaqay maamul uu ugu magic daray Hiiraan State.
Si kastaba, mowqifka Jeyte ayaa sii adkeynaya xaalada gobolka Hiiraan, iyadoo Cali Guudlaawe talaabada uu qaaday sida uu sheegay uu kala tahstay kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo ay isku xisaab hoose dhanka beesha ay ka yihiin ninka xilka laga qaaday.
Wareegtada uu soo xalay saaray madaxweyne Guudlaawe wuxuu xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ugu magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).