Cali jeyte oo ku dhawaaqay inuu isaga haray hanaanka dowlada ay ku wajaheyso dagaalka Shabaab

Jun. 08 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa weerar culus ku qaaday madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, isagoo ku dhaliilay iney ka gaabiyeen qaadista duulaan ka dhan ah Shabaab, si loo guda galo wajiga labaad ee dagaalka.

Cali jeyte oo hormuud u ahaa kacdoonka Shacab ee Shabaab dhul balaaran looga xoreeyay ayaa saluug ka muujiyay hanaanka haatan ay Villa Soomaaliya ku wado dagaalka oo ah in hoos loo dhigo doorkii dadka deegaanka.

“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay.” Ayuu yiri.

Sida kaliya ee Shabaab looga guuleysan karo ayuu sheegay iney tahay in la helo kacdoon dadweyne, markaasi kadibna loo baahan yahay taageerada dowladda.

“Dagaalka aan hadda galnay waxa uu ahaa kacdoon bulsho oo dowlada caawinayo, waxaa moodaa in laga leexday foormaladii dagaalka, sida kaliya oo lagu guuleysan karo dagaalka waxay tahay in la helo kacdoon bulsho aniga aragtida aan qabo ee aan soo fulinay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Majirto wali wax jawaab ah oo ay arrintan kasoo saareen madaxda dowladda, waxaase laga wardhowrayaa ciidamada ka socda dalalka safka hore ee kusoo socda Soomaaliya, arrinkaasi ayaase moodaa inuu Cali jeyte dhibsaday oo uu qabay in Soomaali ay hormuud u ahaato xoreynta dhulkeeda, maadaama tabarta Shabaab haatan la tijaabiyay.

“Aniga halkaas ayaa uga haray malaha foormalo ka fiican ayay hayaane kaas ayaa ka sugayna,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More