Cali Jeyte oo maalinkii labaad howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada Hilow Bacaad

Dec 04 (Jowhar.com)-Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa Howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada deegaano Ka tirsan Gobolka Hiiraan iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Shabaab ay yaalaan Waddooyinka.

Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay Shabaab ayaa saaka loogu tagay meydad ay ka carareen waxayna ciidanka sii baacsanayaan haraadiga Kooxdaasi.

Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Shabaab.

Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tagay goobihii kooxdaasi lagu jabiyey waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha qaranka beegsiga Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More