Canada oo qaadanaysa qaxootiga Afghanistan

Dowladda Canada ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ku yabooha inay ay qaadanayaan illaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah.

Hase yeeshee dowlada Canada ayaa sheegtay in qaxootiga ay qaadanayso ay yihiin madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

“Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More