Browsing Category
NEWS
NEWS
Maxamed Bin Salmaan oo booqanayo dalka Turkiga kaddib dilkii Jamal Kashoggi.
June 19 (Jowhar.com)-Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa todobaadkan booqashadii u horreysay ku tagaya dalka Turkiga,halkaasoo uu heshiisyo kula saxiixanayo madaxweynaha wadankaas iyo mas'uuliyiin kale.
Dowladda Kenya oo shaacisay xiliga Soomaaliya ay fasaxeyso Qaadka
June 19 (Jowhar.com)-Dowladda Kenya ayaa bixisay macluumaad dheeraad ah oo ku aadan xiliga dowladda Soomaaliya ay fasaxeyso Qaadka ka soo go'a beeraha dalkaasi ee loo soo dhoofin jiray Soomaaliya, si loogu suuq geeyo.
Deni oo kulan xasaasi ah la yeelanayo xildhibaanada iyo Warbaahinta oo loo diiday.
June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah kulan gaara la leh xildhibaanada baarlamaanka Puntland, iyadoo kulankan uu ku soo aaday xili xasaasi ah oo khilaafaad uu hareeyay maamulkaas.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqa joojinta shirkadaha diyaaradaha
June 18 (Jowhar.com)-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa beenisay iney jirto wax khatar ku ah amniga diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo ay jirto walaac ku aadan shaqo joojin ay ku dhawaaqeen diyaaradaha gudaha.
Baxdo oo lagu soo bandhigay meydadka Shabaab, hub laga furtay iyo maxaabiis laga qabtay..
June 18 (Jowhar.com)-Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii Shabaab looga dilay dagaalkii shalay, saanad…
Maamulada diyaaradaha oo ku dhawaaqay iney joojinayaan Duulimaadyadii gudaha dalka.
June 18 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha diyaaradaha dalka ay ku dhawaaqeen in laga bilaabo beri ay joojinayaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen gobolada dalka.
Koox hubeysan oo Afgooye ku dishay Kormeerihii Waxbarashada Shabeellaha Hoose
June 18 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye, kaasoo loo geystay mas'uul ka tirsanaa maamulka Koofur Galbeed.
Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta furay Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare.
June 18 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furay Imtixaanka Mideysan ee Dugsiyada Sare oo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay qaadeyso.
Madaxda Bank-ga Adduunka ee Soomaaliya oo balanqaad xooggan u sameeyay DFS.
June 18 (Jowhar.com)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa kulan ku saabsan gurmadka abaaraha ku yeeshay madaxda ugu sareysa Bankiga Adduunka qeybtiisa Soomaaliya iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya uu hogaaminayay Ergeyga…
Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in dagaal yahano Ajaanib ah lagu dilay dagaalkii Baxdo.
June 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay shalay…
DEG DEG: Qarax Xooggan oo ka dhacay magaalada kismaayo.
June 17 (Jowhar.com)- Wararka naga soo gaaraya magaaada kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goor dhow ka dhacay magaalada, iyadoo qaraxa kadibna la maqlay rasaas culus.
C/raxmaan C/shakuur oo kulamo taageero loogu raadinayo gurmadka Abaaraha ka wado Nairobi.
June 17 (Jowhar.com)-Kulanka hore oo qado ahaa ayaa waxaa ka qeyb ahaa xubno ka socday safaaradda boqortooyada Ingriiska oo uu hoggaaminayay u qeybsanaha arrimaha gargaarka bini'aadannimada, waxaa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa wakiil…
Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray khasaaraha Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii Baxdo .
June 17 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka…
Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay gurmadka Abaaraha.
June 17 (Jowhar.com)-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha ayaa magaalada Nairobi kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan safaarada Canada ee magaalada Muqdisho.
Inkabadan 20 ruux oo ku geeriyootay dagaal qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Galgaduud
June 17 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ku bilowday qaraxyo oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday deegaan lagu magacaabo Baxdo oo ku yaala gobolka Galgaduud.
Wararkii u dambeeyay nabadoon caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo iyo howlgal socda.
June 17 (Jowhar.com)- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar kooxo Bistoolado ku hubeysan ay fiidkii hore ee xalay ka geysteen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso maamulka Puntland.