Browsing Category
NEWS
NEWS
Taliyaha Ciidanka Booliska oo booqday guriga Xasan Sheekh ee Mirinaayo
Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla Xaafada Mirinaayo, halkaasoo ka mid aheyd goobihii todobaadki hore ka dhaceen iska hor imaadyada.
Madaxweynihii hore ee Ghana oo loo magacaabay Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa u magacaabay Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama inuu noqday Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay carruur ku geeriyootay Muqdisho
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay geerida shan carruur ah oo maanta ku geeriyootay xaafad ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kadib markii ay qaadeen daadad ka dhashay…
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa ka tirsan Golaha…
Ra’isul Wasaare Rooble oo u ambabaxay wadanka Boqortooyda Sacudi Carabiya
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagooo kusii jeeda Magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda oo geeriyooday
Allaha u naxariistii waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo soo noqday Ra’iisul Wasaare Kuxigeen, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda iyo Safiir.
Ciidamadii muddo kororsiga ka hortagay oo ka baxay Mogadishu
Ciidankii ka tirsanaa Milateriga ee ka soo baxay furimaha dagaalka, kana hortagay muddo kororsigii Farmaajo ee labada sano.
DP World oo heshiis lagu dhisayo waddo isku xirta Berbera iyo Itoobiya la saxixiatay dowlada…
Shirkadda dekadaha ee fadhigeedu yahay Dubai ee DP World iyo Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis lagu horumarinayo jidka isku xira Itoobiya iyo Berbera ee Somaliland oo maraya marin ganacsi iyo saad.
Farmaajo oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska tallaalaan cudurka Covid 19
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo adeegayaasha caafimaad ee la tacaalaya xakamaynta cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey dadaalladooda naf hurka…
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Turkiga Yilmez
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee dalka Soomaaliya Mahmet Yilmez.
RW Rooble oo kormeeray furista waddooyinka u xirnaa gadoodkii muddo kororsiga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.
Kenya oo ka hadashay dib u soo laabashada xiriirka ay lahayd Soomaaliya
Dowlada Kenya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta.
Qaar ka mid ah wadooyinki ku xirmay khalaalasihii Muqdisho oo dib loo furay
Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Guddigii uu u magaacabay xal ka gaarista khalalaasihii Muqdisho.
Wasiirkii Maaliyada dalka Qatar oo xabsiga loo taxaabay
Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar Ali Shareef al-Emdi ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku takri-fal awoodeed.
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii Kenya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee ay la laheyd dowladda Kenya, kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda…
Madaxweynaha Kenya Uhuru oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah dowlada Qatar Dr Mutlaq Bin Majer Al-Qahtani.