Ciidamada amaanka oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah oo loo waday Dhuusa-mareeb
Sep 28 (Jowhar.com)-Ciidamada ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo al-shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Ciimada ayaa la sheegay inay hayeen xogta gawaaridaas waxaa ayna ku guulaysteen in labada gaariba ay ka hortagaan isla markaana ku fashiliyaan banaanka hore ee magaalada Dhuusamareeb.
Sadex askari ayaa dhaawac soo gaaray intii ay ciidamadu ku guda jireen ka hortagga qaraxaasi.
Ciidamada dowladda iyo miliishiyooyinka deegaanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay al-shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.