Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku dilay nin dhac geysanayay.

June 19 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa iska-horimaad kooban oo xalay magaalada Muqdisho ku dhexmaryay koox burcad ah oo dhac geysaneysay iyo ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, Ciidamo boolis ah ayaa ku baxay Afar burcad ah oo dhac ka geysaneysay Xaafadaha Ceymiska, Carafaat iyo Suuqa Xoolaha, kuwaasoo dadka shacabka ah ka qaadanayay tilifoono iyo agabka kale ee ay wateen.

Wararka la helayo waxey tilmaamayaan in saddex kamida kooxihii dhaca geysanayay ay goobta ka baxsadeen, waxaana dagaalka kooban ee ciidamada amaanka iyo raggan hubeysnaa dhexmaray uu sababay in la dilo mid kamida ragii falka dhaca ah bulshada u geysanayay, kaasoo ilaa saaka meydkiisa yaalay halka xalay lagu dilay.

Habeenadii la soo dhaafay xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhaca ay geysanayaan kooxo ku hubeysan hub iyo Mindiyo, waxaana meelaha qaar laga soo sheegayay iney dilayeen dhalinyarada isku dhajisa tilifoonada laga qaadanayo, Shacabla ku dhaqan aagga xaafadda Ceymiska ayaa soo dhaweeyay howlgalkii xalay ay ciidamada amniga dowladda sameeyeen.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More