Ciidamada Booliska oo soo bandhigey guri lagu abuuray Maandooriyaha Xashiishada

Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Degmada Howlwadaag ku soo qabtay rag ku abuuray xashiish guri ay degenaayeen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Booliska oo qaaday howlgal qorsheeysan ay gacanta ku dhigiin Beer lagu tallaalay dhirta Xashiishadda nooca ugu qatarsan ee Murjawaanaha iyo Haamo lagu farsameynayay Calaqa iyo dadkii ku howlanaa.

“Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha Maanka dooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay dadweynaha ku nool dagmada Howlwadaag oo marwalba lasoo wadaago ciidanka booliska xogta qatarta ku ah amaniga iyo bulshada deegaanka, taas oo boolisku har iyo habeenba u taaganyahay in ka badabaadiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More