Ciidamada DANAB oo howlgal qorsheysan ku diley sarkaal ka tirsanaa Alshabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen degmada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen sarkaalka tirsanaa dagaalamayaasha Alshabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalkan qorsheysan lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla degmada Sablaale halkaas oo lagu diley sarkaalkan iyo toban ka mid ah ilaaladiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay (Mucaad Dheere) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca gobollada Jubbooyinka.

”Ciidanka kumaandooska oo ka war hayay in habeenimadii Sabtida sarkaalka iyo xubnaha lasocday soo gaareen Sablaale ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi iyagoona ugu galay gurigii ay ka joogeen Sablaale islamarkaana goobti kuwada toogteen sarkaalka iyo tobankii xubnood ee la socday, ayaa lagu yii qoraal ka soo baxay ciidamada DANAB.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi lagu dilay Mucaad Dheere oo ka mid ah saraakiisha kooxdaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More