Ciidamada Danab oo weeraray Kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle

Nov 04 (Jowhar.com)-Ciidamada Danab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar halkaas oo uu doonayay inuu soo raaco diyaarad u soo qaadi lahayd magaalada Muqdisho.

Iskahorimaad hubeysan ayaa waxaa uu ku dhex maray meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ciidamada Danab iyo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle oo galbinayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Luqmaan Xaaji Muxumad.

Guddoomiyaha Baarlmaanka Hirshabelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa sheegay in rasaas ay ku soo fureen ciidamada Danab isla markaana aysan ka fileyn in ciidamadii ilaalada ka ahaa garoonka gudihiisa ay rasaas ku soo ridaan kolonyadii uu la socday.

“Waa dhacdo uurkutaalo ah anigoo ku hadlaya magaca Hirshabele waan ka xunahay in ciidamadii ilaalada noo ahaa ay rasaas nagu soo ridaan.”ayuu yiri Guddoomiye Luqmaan.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in ciidamadii ilaalada u ahaa qaar ka mid ah ay ku dhinteen rasaastaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

“Qaar kamid ah xildhibaanadii Baarlamaanka ee ila socday ayaa ku dhaawacmay weerarkan halka ilaalada qaar kamid ahna ay dhinteen,waxaan jawaab ka sugeynaa xukuumada federalka.”ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle oo muuqaa kooban oo la soo dhigey barta Maamulka Hirshabelle uu ugaga hadlay dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Jowhar.

Iskahorimaadkan ayaa wararku sheegayaan inuu dabajoogo dagaal shalay ku dhex maray ciidamo ka tirsan Danab iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabelle gudaha magaalada Jowhar halkaasoo uu ku dhintey mid ka mid ah ciidamada Danab iyo qof rayid ah halka askari kale oo ka tirsan Danabna uu dhaawac culus soo gaaray.

Ciidamada Danab ayaa saldhig ku leh garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee duleedka Waqoyi Magaalada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More