Ciidamada Dowlada oo la wareegay Deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Apr. 13 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ay la wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Ceel Afwayn iyo Sabansableey oo hoostaga Tuulada Budbud ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka, Kornayl; Saneey Cabdulle ayaa u sheegay Warbaahinta Dowlada Qaranka in ay burburiyeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen deegannadaas.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ku saabsan waxyeelada ka dhalatay la wareegida deegaanadaas,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowlada aysan wax iskahorimaad ah la kulmid la wareegista deegaanadaan.

Dhinaca Kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yaasiin Faray iyo Xildhibaan Cabdirizaq Xusul oo ay wehliyaan saraakiil ayaa kormeer ku sameeyay xaafadaha Magaalada Galcad halkaas oo ay xog wareysi la yeesheen Shacabka Magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More