Ciidamada Dowlada oo weeraray saldhigyada Alshabaab ee deegaano ka tirsan Galgaduud

Aug. 16 (Jowhar.com)-Shir jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayuu ku sheegay in hawlgal maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Alshabaab.

General Caanood oo shirkiisa jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aagga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud lagu dilay 30 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab.

“Ciidamadda dowladdu waxa ay dagaal ku qaadeen deegaannada Ceelbacad iyo lix irdood oo hoos yimaada degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeeri, waxaana dagaalku uu ka dhacay Af-goobad oo khawaarijtu ku sugnaayeen, halkaas oo looga dilay 30-dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan.”ayuu yiri Jeneral Caanood.

Sidoo kale shirka jaraa’id ayuu ku sheegay afhayeenka wasaarada Gaashaandhigga inay ciidamada ay fashiliyeen gaari qarax wada oo la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada dowlada.

“Shacabka ku nool deeggaanada maanta dagaalku ka dhacay waxa ay fuliyeen amarka dowladda ee ahaa in laga fogaado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda nafla caariga ah ee argagixisadda, waxaana xogta sahanka lagu sheegay in shacabku geedi ka yihiin deeggaanada ay ku gambanayaan argagxisaddu.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa afhayeenka wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda ayaa ballanqaaday in dadka guryahooda ka tagay ay dib ugu soo laaban doonaan iyagoo xor ah:

“Waad ku soo noqoneysan degmooyinkiinna idinka oo aanan la idin ka qaadeynin xoolo baad ah, Sakawaad, lacag tabarucad ah iyo lacag jihaad, oo aan carruurtiinna qaraxyo lagu xireynin sidoo kalena aad xor tihiin”.

Dagaalkan ayaa noqonaya bilowga hawlgalka lagu doonayo in loogaa saaro maleeshiyaadka Alshabaab deegaanada ay uga sugan yihiin gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More