Ciidamada Ilaalada Madaxtooyaa dalka Niger oo ku dhaqaaqay iskuday afgambi
July. 26 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya dalka Niger ee Galbeedka Afrika ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada madaxtooyada dalkaasi ay gurigiisa ku xireen madaxweyne Mohamed Bazoum iyagoo go’odoomiyay wadooyinka soo gala Madaxtooyada.
Hase yeeshee xaalada caasimada dalkaasi ee Niamey ayaa degen iyadoo ay ka dhaceen banaanbaxyo lagu diidan yahay iskudayga afgambi laguna taageerayay madaxweyne Bazoum.
Ururka Midowga Afrika ayaa cambaareeyay falka ay ku kaceen askartaasi, iyagoo sheegay inay yihiin kuwo aan la aqbali karin.
Xafiiska madaxweynaha ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ilaaladu ay ku guul dareysteen in ay isku dayeen in ay taageero ka helaan ciidamada milatariga.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaas, Mohammed Issoufou, iyo madax kale ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu qaboojiyo xaalada.
Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in iskudaygaasi uu guuldareystey ayna ilaalada Madaxtooyada diideen inay sii daayaan Madaxweynaha.
Barta Twitterka ee Xafiiska Madaxweynaha Niger ayaa lagu daabacay;”Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo qoyskiisa way wanaagsan yihiin.””Ciidanka iyo Ilaalada Qaranku waxay diyaar u yihiin inay weeraraan kuwa ku lugta leh dhacdadan. “” ayaa la sii raaciyay.
Ururka Ecowas ee ku bahoobay dhaqaalaha galbeedka Afrika ayaa soo saaray bayaan ay ku sifeeyeen dhacdooyinkii ka dhacay dalka Niger in ay ahaayeen isku day afgambi waxayna sheegeen in ay si adag u cambaareynayaan isku dayga lagu doonayo in xoog lagu qabsado.
Niger ayaa tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska 1960-kii ayaa waxaa ka dhacay afar afgembi, iyo isku dayo badan oo afgambi ah.
Madaxweyne Bazoum ayaa si dimoqraadi ah loo doortay 2021, waa saaxiib dhow oo Faransiis ah, iyo waddamada kale ee reer galbeedka.
Inqilaabkii ugu dambeeyay ee dalkaasi waxa uu dhacay bishii February 2010-kii, kaas oo la afgambiyay madaxweynihii xilligaas ee Mamadou Tandja.