Ciidamada Israa’iil oo ka baxay Xerada Jenin ee dhulka Falastiin

July. 05 (Jowhar.com)- Ciidamada Israel ayaa bilaabay inay ka baxaan magaalada Jenin ka dib laba maalmood oo hawlgal milatari oo ay ku dhinteen 12 falastiiniyiin ah iyo askari Israa’iili ah.Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horreysay xaqiijiyay in militariga dalkaas ay dhameystirayaan howlgalkii Jenin.

“Howlgalku si rasmi ah waa uu u soo dhamaaday, ciidamaduna waa ay ka baxeen deegaanka Jenin,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Israil oo saxaafada la hadlay.

Israa’iil ayaa hawlgalkeeda ka billowday xerada qaxootiga ee Jenin subaxnimadii Isniinta weerar ay ku qaadday diyaarad aan duuliye lahayn, taas oo ay sheegtay in ay ku bartilmaameedsatay xarun ay ku sunaayeen ciidamada Jenin Brigades – oo ah unug ka kooban kooxo kala duwan oo mintidiin ah oo ay ku jiraan Xamaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qaaday duqeymo kale oo dhanka cirka ah, iyadoo boqolaal askari ay gudaha u galeen xerada, waxayna dagaal xooggan la galeen Falastiiniyiin hubeysan oo xerada ku sugnaa.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah wax ay ugu yeertay argagixisada uu diiradda saarayay qabashada hubka iyo in la jebiyo maskaxda badbaadada ee xerada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalku uu khasaare weyn u geystay xarumaha biyaha iyo korontada ee gudaha Jenin Dadka ku nool magaalada Jenin ayaa bilaabay inay nadiifin ku sameeyaan kadib markii dagaal ay labo maalmood socday uu ka dhacay halkaas waxana uu dagaalku geystey burbur faro badan.

In muddo ah, ilaa 1990-meeyadii, waxaa jiray rajo ah in nabadda ay iman karto haddii dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah la dhiso iyada oo ay weheliso Israa’iil, waxa loogu yeero xal laba dawladood ah balse Isku daygaasi wuu fashilmay.

Wadamada reer galbeedka ee awooda leh, oo ay ku jiraan Maraykanka, xubnaha Midowga Yurub iyo UK ayaa wali ku adkaysanaya in laba dawladood ay yihiin xalka kaliya ee suurtogalka ah. Isku daygii ugu dambeeyay ee Maraykanku isku dayay inuu fikradda ka dhigo mid shaqaynaysa ayaa burburay 2014kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More