Ciidamada Israa’iil oo ka baxaya Koofurta magaalada Qaza

Apr 07 (Jowhar.com)-Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay ciidamadooda dhulka kala baxeen koonfurta Marinka Gaza, oo uu ku jiro Khan Younis, iyadoo ay jiraan warar is khilaafsan oo ku saabsan baaxadda iyo muddada ka bixitaanka.

War ka soo baxay Milatariga Israaiil ayaa lagu sheegay in ciidamada ay u diyaargaroobayaan howlgalada mustaqbalka. “Maanta oo Axad ah 7-da Abriil, qeybta 98-aad ee kamaandooska ee IDF ayaa soo gabagabeysay howlgalkeeda Khan Younis. Qaybtu waxay ka tagtay Marinka Gaza si ay u soo kabsato oo ay ugu diyaargaroobto hawlgallada mustaqbalka,” ayay ciidanku ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Milateriga ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay ka bixitaankooda, balse waxay intaa ku dareen in hal guuto ay ku hartay, iyadoo aan faah faahin dheeri ah laga bixin,Guutada Israa’iil ayaa sida caadiga ah ka kooban dhowr kun oo askari.

Ma cadda in ka bixitaanka la sheegay uu dib u dhigayo duulaanka halista ah ee lagu hayo koonfurta magaalada Gaza ee Rafah, kaasoo madaxda Israa’iil ay sheegeen in loo baahan yahay si meesha looga saaro Xamaas.
Aqalka Cad, oo ka hadlay ka bixitaanka qayb ka mid ah, ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay fursad u tahay ciidammada in ay “nastaan ​​oo ay dib u habeeyaan”.

“Waxay dhulka joogeen muddo afar bilood ah, ereyga aan heleyno waa daal, waxay u baahan yihiin in dib loo habeeyo,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.

Ku dhawaaqista Israa’iil ayaa timid iyadoo dagaalka ay ku hayso Gaza uu gaaray lix bilood, taasoo ka tagtay raad xun oo ay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ku tilmaantay “kiis macquul ah oo xasuuq ah”.

Dhanka kale Masar ayaa isku diyaarinaysa inay martigeliso wareeg cusub oo wadahadal ah oo looga gol leeyahay in xabad joojin laga gaaro Gaza laguna sii daayo maxaabiista ay Xamaas qabsadeen.

Ka bixitaanka ayaa ah mid ka mid ah dalabaadka ay Xamaas soo bandhigtay ka hor inta aysan heshiis xabad joojin ah la gelin Israel.
Duulaanka Israel ee Gaza, oo bilowday ka dib weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil lix bilood ka hor 7-dii October, waxa uu diiradda saaray bilihii la soo dhaafay koonfurta dhulka Falastiin.

Rafah ayaa noqotay magangalkii ugu dambeeyay ee in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo gabaad ka dhigta dhulka u dhow xadka Masar.

Sida laga soo xigtay qiyaasaha Qaramada Midoobay, qiyaastii 1.7 milyan oo qof ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda oo ay galaan hoyga, xaalad, taasoo hay’adda caalamiga ah ay ka digtay inay horseedi karto macaluul baahsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More