Ciidamada Israel oo duqeyn ku diley shaqaale hay’ad samafal

Apr 02 (Jowhar.com)-Toddoba ruux oo la shaqaynayay hay’ad samafal oo lagu magacaabo World Central Kitchen (WCK), ayaa lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israa’iil ay geysateen.

Sida ay sheegtay hay’adda samafalka. Shaqaaluhu waxay ku safrayeen laba baabuur oo ah nooca aan xabadu karin ayna ka muuqata astaanta hay’adda samafalka.

Dadka la diley ayaa saddex ka mid ah waxa ay ka soo jeedeen dalka UK halka kuwa kalana ay u kala dhasheen wadamada Australia, Poland iyo Falastiin, iyo qof haystay dhalashada dalalka Mareykan iyo Canada.

Meydadka shaqaalaha gargaarka ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla koonfurta magaalada Gaza ee Rafah, oo ku taal xadka Masar, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press oo ku sugan xaruntaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qiray in militariga Israa’iil ay dad aan waxba galabsan laayeen.
In ka badan 196 shaqaale gargaar ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar, sida laga soo xigtay Xogta Ammaanka Shaqaalaha Gargaarka ee uu maalgeliyo Mareykanka, taas oo diiwaan gelisa dhacdooyinka waaweyn ee rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka.

Inta badan dadka la dilay tan iyo markii uu dagaalku qarxay lix bilood ka hor waxay u shaqaynayeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo hawl-galkii ugu waynaa ee gargaarka ka wadda Gaza.

Qiyaastii 1,200 oo qof ayaa la dilay 253 qofna waa la qafaashay markii Xamaas ay weerar aan hore loo arag ku qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar. Ilaa 130 la haystayaal ayaa weli ku jira gacanta, kuwaas oo 34 ka mid ah loo malaynayo inay dhinteen.

Tan iyo markaas, 32,916 qof ayaa lagu dilay Gaza, oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan, wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More