Ciidamada Isra’iil oo duqeyn ku dilay carruur uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas

Apr 10 (Jowhar.com)-Weerar ay Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qaza ayaa lagu dilay saddex wiil oo uu dhalay madaxa ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh maanta.

Wareysi uu siiyay Laanta Aljazeera ee luqadda Carabiga, Haniyeh waxa uu ku xaqiijiyay dilka saddex wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Hazem, Amir iyo Mohammad iyo carruur kale oo uu awoowe u ahaa maanta.

Waxa uu sheegay in la bartilmaameedsaday xilli ay ku soo booqanayeen eheladooda ciida oo ku sugnaa xerada qaxootiga ee Shaati.

Hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay dalka Qatar ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta aysan ka laaban doonin haddii qoysaskooda iyo guryahooda la bartilmaameedsado.

Hanniyah ayaa ku tilmaamay weerarada ay ka geysanayso Israaiil dhulka Falastiin inuu yahay dagaal isir sifeyn ah iyo xasuuq.

Ku dhawaad ​​60 xubnood oo qoyskiisa ah, oo ay ku jiraan gabdho uu adeer u yahay iyo wiilal uu adeer u ahaa, hoggaamiyaha Xamaas ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalka uu ka bilowday Qaza.

Israa’iil ayaa horaantii bishan sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxday koonfurta Qaza si ay uga diyaargarowdo hawl-gallada mustaqbalka, laakiin weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta oo dhan waa ay sii socdeen.

Dhankeeda, Xamaas ayaa Talaadadii baahisay muuqaal ay ku sheegtay weerar gaadmo ah oo lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo Israa’iiliyiin ah magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza. Israa’iil ayaa kaliya ku dhawaaqday in afar ka mid ah ciidamadeeda ay ku dishay Gaza toddobaadkan.

Haniyeh waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday qoyskiisa uu caddayn u yahay guuldaraysiga Israa’iil, maadaama ay sii wajaheyso dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee Gaza, isaga oo intaa ku daray in dilka uusan waxba ka beddeli doonin mowqifka kooxda ee wadahadallada xabbad-joojinta tooska ah ee socda.

Waxa uu ku nuux-nuux saday in Xamaas aysan ka laaban doonin dalabaadkooda ay ka mid yihiin xabbad joojin joogto ah iyo in Falastiiniyiinta ka barakacay guryahooda dib loogu celiyo, isagoo wacad ku maray in Israa’iil aysan ku gaari karin ujeeddooyinkeeda siyaasad iyo wadahadal.

“Dhiigga carruurtaydu kama qiimo badan dhiigga carruurta dadka reer Falastiin … Dhammaan shuhadada Falastiin waa carruurtayda.”ayuu yiri Haniyeh.

Maraykanka ayaa ku baaqay in Xamaas lagu cadaadiyo inay aqbalaan xabbad-joojin ku meel gaar ah oo keeni karta in gargaar bini’aadantinimo loo fidiyo Gaza, sii daynta maxaabiista Israa’iil ee ku jira dhulkaas iyo sidoo kale in la sii daayo tiro aan la cayimin oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ay haysato Israa’iil.

Dagaalkan oo billowday 7-dii Oktoobar kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 33,400 oo Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dhulka la simay qeybo badan oo kamid ah Qaza, waxaana ay ku soo rogeen go’doomin adag, taasoo keentay in dad ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Gaza ay qarka u saaran yihiin macaluul.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More