Ciidamada la kala dhex dhigey Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamaya Shabelaha Dhexe

Oct 23 (Jowhar.com)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidan Boolis ah kala dhex dhigtay beelo ku dagaalamay deegaannada hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), oo xarunta taliska ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ciidanka Booliska Federaalka oo kaashanaya kuwa dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku guuleysteen in la kala dhex galo beelo ku dagaalaya degmada Cadalle.

“Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe” sida uu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday in dagaalka la joojiyo, iyada oo warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku baaqday in dagaalka la joojiyo, lana qaato nabad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More