Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo AMISOM oo iska kaashanaya howlgalada ka dhanka ah Alshabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa si wadajir ah Muqdisho ugaga furay Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah ee loogaga soo horjeedo dagaalamayaasha Alshabaab.

Xaflada furitaanka xaruntan Xaruntan oo laga hirgaliyay waaxda AMISOM ee Xerada Xalane, ayaa waxaa ka qeybgalay taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj.Gen.William Kitsao Shume .

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in Xaruntan ay si wadajir ah u maamuli doonan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xogga dalka,iyadoo sare loogu qaadi doono qorsheynta iyo isku dubaridka howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku tilmaamay xaruntan mid fududeyn doonta sidii dalka looga sifeyn lahaa Alshabaab.

“Guusha xarumahaan waxay ku xirnaan doontaa xiriirka labada xarumood ee SNA iyo AMISOM, iyo sida ay iskugu dubbaridaan u wakiilashada shaqada qeybaha, kuwaas oo markaa fuliya awaamiir kasta oo noocaas ah si loogu guuleysto fulinta iyo hirgelinta. Dhankeenna waxaan ku bixin doonaa dadaal badan si ay taasi u dhacdo”ayuu yiri Gen. Odowaa.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa la dhaliilayay bilihii la soo dhaafay is fahamkooda ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa howgalada lagula dagaalamayo Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More