Ciidamada Mucaaradka oo la wareegay Xarunta Degmada Howlwadaag

Dagaalada maanta ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa sababay in dowlada ay gacanteeda ka baxaan deegaano iyo xarumo dowladeed.

Xarunta degmada Howlwadaag ayaa ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan musharaxiinta mucaaradka kana soo horjeeda muddo kororsiga dowlada federaalka ayaa caawa dagaal la’aan la wareegay xarunta maamulka degmada Howlwadaag.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ay dagaal la’aan kula wareegeen xarunta oo muhiim u ahayd maamulka gobolka Banaadir,kadib markii ay is dhiibeen ciidamo Boolis ah oo halkaa ku sugnaa.

Ciidamada la wareegay xarunta degmada Howlwadaag ayaa horey ula wareegay Isgooska Dabka, iyo agagaarka Isgooska Sayidka iyo xaafado kale oo katirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley.

Caasimada dalka ayaa waxaa ka jira caawa hub urursi iyo diyaargarow dagaal inkastoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada oo dagaal kale laga baajiyo caasimada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More