Ciidamada NISA oo howlgal ku soo qabtay waxyaalaha qarxa

Ciidamada NISA ee Duufaan ayaa howlgal ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabteen waxyaalaha qarxa iyo saddex nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen ururka Alshabaab.

Howlgalkaasi oo ahaa mid qorshysan ayaa dhacay habeenimadii xalay waxaana warku intaa ku darayaaIn sidoo kale ciidankaasi ay soo qabteen keydad hub ah oo kooxdaasi ay u adeegsan jireen in ay ku dhibaataeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada Duufaan,ayaa u mahadceliyay Bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dadkii sida hufnaanta ah ula shaqeeyay laamaha Sirdoonka Qaranka ee ku guuleystay soo qabashada horjoogayaashaasi iyo nuucyadii hubka ee ay adeegsan jireen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More