Ciidamada taageersan mucaaradka oo ka guuray agagaarkii madaxtooyada Cabdiqaasim

Ciidamadda Mucaaradka ee taageersanaa Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Saadaq John Iyo General Indhacadde ayaa Isaga guuray agagaarka Madaxtooyaddii Cabdi Qaasim ee degmada Hodonn iyagoo degey xaafada Siigaale oo aan ka fogeyn halkii ay hore fariisimada ugu lahaayen.

Ciidamadda Ammaanka ee Dowladda Farmaajo ayaa dib u furay wadooyinka Km4 Iyo Tarabuunka halkaasoo horey ugu sugnaayeen ciidamo taabacsan Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur, General Indhacadde iyo Saadaq John.

Lama oga sababta keentay inay ka guuraan xaruntii ay ku sugnaayeen ciidamadan hase yeeshee halka ay u uguureen ayaa ah meel istiraatiiji ah oo ku wanaagsan dagaalada magaalada waxaana ay ku sii dhowaadeen madaxtooyada qaranka.

Dadka degenaa xaafada Siigaale ayaa bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda xalay saqdii dhexe kadib markii ay ka warheleen ciidamada soo degey.

Xaalada magaalada ayaa degen inkastoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaalka maruun uu bilowday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More