Ciidamada UPDF ee Soomaaliya oo wax gunno ah la siin muddo 10 bilood ah

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaan wax gunno ah helin 10-kii bilood ee ugu dambeeyay.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kulan dhex maray guddiga difaaca ee baarlamaanka iyo wasaaradda gaashaandhigga iyo askarta.

Kooxda uu hogaaminayo Jacob Oboth oo ah Wasiiru Dowlaha Difaaca ayaa ka soo hor muuqday Guddiga si ay u soo bandhigaan odoroska miisaaniyada sanad maaliyadeedka 2022/2023.

Intii uu socday kulanka, xildhibaanka laga soo doortay koonfurta Bukanga Stephen Kangwagye ayaa wasaaradda ka codsaday in ay caddeyso wararka sheegaya in ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) aysan wax gunno ah qaadan muddo labo sano ah.

Hase yeeshee, Edith Buturo, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga, ayaa arrintaasi ku gacan seyray wararka sheegaya in ciidamadan aan la siinin gunnooyinkooda muddo labo sano ah. Taa beddelkeeda, ayay tiri, waxay dalbanayaan lacag-bixinno laga bilaabo Maarso 2021.

“Lacagta aan siino ciidamadeena waxaa na siiya Midowga Afrika-AU waxayna daba socotaa isfaham gaar ah, qaab-dhismeedka sharci iyo qaab-dhismeedka miisaaniyadeed.”ayay sii raacisay.

“Markaa waanu raacnaa waxa dukumeentiyadani bixiyaan,” Buturo ayaa yidhi.
Waxa ay intaasi ku dartay in bilihii ka horeeyay March 2021 ciidamada la siin jiray gunnooyin ka badan mushaarkooda oo ay ka heli jirtay dowladda Uganda oo aan wax dayn ah lagu lahayn.

Amisom waa ciidamo nabad ilaalin heer gobol ah oo ay maamusho Midowga Afrika-AU, iyadoo ogolaansho laga helayo Qaramada Midoobay – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Uganda waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo askartooda u soo dira Soomaaliya, sidaas darteed waxay hormuud ka ahayd AMISOM bishii Maarso 2007.

Ciidamadan ayaa dagaal kula jira falaagada al-Shabaab iyo ilaalinta dawladda caalamku taageero ee Muqdisho. Dalalka kale ee ku jira Amisom waa Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More