Ciidamada Xoogga Dalka oo Hawlgal ka fuliyay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

Aug. 18 (Jowhar.com)-Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowlada ka fuliyeen deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan lagu diley maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab laguna gubay gaadiid dagaal.

Sida lagu daabacay wakaalada wararka Sonna hawlgalkan ayaa lagu diley illaa 18 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab kuwaasoo ay ku jireen laguna burburiyay illaa labaatan baabuur oo kuwa dagaalka ah.

“Goobta ugu horraysa ee ay ciidamada bartilmaameedsadeen ayaa waxay ahad garaashka gaadiidka la dhigo oo ay u yaalleen inka badan 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay waxaana laga dhigay hawlgab.”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta dowlada.

“Sidoo kale waxaa la burburiyay xaruntii ay ka maamuli jireen magaalada iyadoo ay ku lagu dilay shan ka mid ah argagixisada oo mid u ah horjooge.”

Ugu dambeyntii hawlgalka ayaa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen Koox Khawaarij ah oo ku taallay Banaanka magaalada,waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad goobta ku sugnaa.

Ciidamada dowlada ayaa xoojiyay hawlgalada ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More