Ciidamadda Alfa-group oo gaaray hotel Hayat iyo Shacab badan oo la soo badbaadiyay.

August 19 (Jowhar.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo hotel Hayat ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran Alfa-group ay goordhow gaareen hotelka, maadaama gudaha hotelka ay ku jiraan raggii weerarka ku qaaday.

Ciidamadda Alfa-group oo si aad ah u hubeysan ayaa ka soo dhaqaaqay dhinaca garoonka diyaaradaha Adan Cadde oo fariisimo ay ku leeyihiin, waxeyna haatan isu diyaarinayaan sidii ay gudaha hoteelka u gali lahaayeen.

Ciidamadda amaanka ayaa gudaha hoteelka ka soo badbaadiyay shacab badan oo ku sugnaa, dadka la soo badbaadiyay waxaa kamid ah caruur yar yar oo caawa oo dhan baraha bulshada laga baadi goobayay.

Waxaa loo badinayaa in ciidamadan Alfa-group ay gudaha hoteelka ku dumiyaan dableyda hubeysan ee Shabaabka oo wali ka dhex dagaalameysa, wuxuuna weerarka socdaa kudhowaad lix saacadood oo xiriir ah.

Isbitaalka Digfeer waxaa la geeyay dhaawacyo badan, iyadoo ay buux dhaafiyeen ehelada iyo asxaabta dadka waxyeelada ay gaartay, iyadoo wadooyinka ugu muhiimsan ee caasinmadda ay yihiin kuwo u xiran ciidamadda dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More