Ciidamadda Amaanka oo Muqdisho ku qabtay burcad hubeysan.

July 10 (Jowhar.com)- Ciidamadda amaanka ee magaalada Muqisho oo howlgal xooggan sameeyay ayaa gacanta ku so dhigay burcad hubeysan oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadi.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan,kooxda gacanta lagu dhigay oo gaarayay 5 dhalinyaro ah ayaa waxa cabasho ka keenay shacabka xaafadaha degmada Dayniile sida uu sheegay maamulka degmadaas, waxaaa la geeyay mid kamida xarumaha dowladda ay wax ku baarto.

“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maamulka degmada.

Si kastaba, Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Shacabka kunool Xaafadaha degmada Deeyiile ay ka cabanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya, kuwaas oo dadka qaarkood dilaya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More