Ciidamadda amniga oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan.

Nov. 27 (Jowhar.com) -Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen koox burcad ah oo xalay dhac ka geysatay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag.

Ragga gacanta lagu soo dhigay oo labo ahaa ayaa lagu qabtay Waaxda Barwaaqo ee Xamar-Jadiid oo ka tirsan degmada Warta Nabadda oo ay xiligaasi dhac kale ka geysanayeen.

War qoraala oo ka soo baxay ciidanka booliska ayaa lagu sheegay in ragga gacanta lagu hayo oo labo ah lala soo qabtay laba qori oo ay wateen iyo Mooto bajaaj ay dhaca u adeegsan jireen.

“Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Ciidanka booliska ayaa sheegay in raga la soo qabtay ay cadaalada wajihi doonaan, iyagoo u yeeray dhibabayaasha, si agabka laga soo dhacay loogu wareejiyo.Ciidamadda amniga oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More