Ciidamadda dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaanka Wabxo ee Galgaduud.

Nov. 09 (Jowhar.com) -Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa kooxda Al Shabaab kala wareegay deeggaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhigga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadda isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo saldhigyo waaweyn ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ma uusan bixin faah faahin intaasi kabadan.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay sido kale la wareegeen, deeggaannadda Warxoole, Ceelboore iyo Ceelgorof.

Sikastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa muddo 15 sanno ka badan gacanta ku heysay deegaanka Wabxo, iyadoo arrintan ay bilow u tahay jabka kooxda ee dagaalka cusub uga furmay gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More