Ciidamadda dowladda oo wali Shabaab kula dagaalamayo gudaha Hayat Hotel.

August 20 (Jowhar.com)-Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hayat Hotel oo maqribnimadii xalay ay weerar ku bilowday laba qarax ay ku galeen dabley hubeysan oo kooxda Al-Shabaab ka tirsan.

Inkabadan 10 saacadood ayey ciidamadda dowladda kula dagaalamayaan kooxdan oo aan tiradooda la sheegin, walow warar la helayo ay sheegayaan iney yihiin ilaa 4 dagaalame, waxaana la shaaciyay in qaarkood ay howlgalkan ku dileen ciidamadda amaanka.

ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkan, halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac kasoo gaaray, iyada oo laga soo badbaadiyay tiro kale oo carruuri ay ku jirto.

Waxaa xalay oo idil la maqlayay qaraxyo ay qaarkood hoteelka ku burburinayeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, walow aysan taasi suura gal ka dhigin in la soo afjaro howlgalllan oo waqti dheer qaatay.

Waaa weerarkii u horeeyay ee noociisa ah oo dagaaalamayaasha Shabaab ay ka geystaan Muqdisho tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii May sanadan 2022.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More