Ciidamadda Haramcad oo oo weeray saldhig iyo maxkamad Shabaab ee duleedka Muqdisho

Sept. 05 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab saaka ku dhexmaray deegaanka Basra oo ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad & Afgooye halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan, waxaa goobta weeraray ciidamo isugu jira booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kuwa NISA ee Duufaan, waxaana goobta ka dhacay dagaal socday wax kabadan saacad, kaasoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Hawlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa sidoo kale ciidamadu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, waxaa kaloo nolosha lagu soo qabtay maxaabiis Shabaab ah.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ciidamada ay ku guulaysteen in ay Al-shabaab ka soo furteen shacab ay ku jiraan ganacsato oo u af-duubnaa kooxdaas sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Si kastaba, Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa ah mid looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay Al-Shabaab ka wado Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo aad u kordhay maalmihii dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More